Miisaaniyadda Galmudug ee 2021/22 Waa $27 million, Akhriso Faahfaahinta!
Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye ayaa waxaa uu saxiixay miisaaniyadda dowlad gobleedka Galmudug ee 2021/22.
Miisaaniyad sanadeedka oo gaareysa $27 million ayuu baarlamaanka maamulkaasi anisixyey June 24, 2021 halka uu haatan saxiixay madaxweyne Axmed Kaariye Qoor-qoor.
Sida ku cad shaxda miisaaniyadda ee Galmudug, dowladda dhexe ayaa bixin doonta qarashka inta badan iyada oo qaab deeqo iyo gargaar caalami ah u heleysa.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay si gaar ah Galamudug u siin-doontaa $1.8 million, halka lagu qiyaasay deeqaha ay maamulkaasi ka filayaan Bangiga adduunka iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah ilaa $14 million, canshuurta laga qaado reer Galmudug waxay miisaaniyadda ka tahay uun 26% ($7 million).
Sida aad ku arki karto shaxda miisaaniyadda Galmudug 2021/22 , qarashka inta badan waa mushaaraad iyo arrimo la xiriira amniga, waxaana kooban adeegyada.
Marka qarashkii $27 million ahaa loo qeybiyey wasaaradaha, hey’adaha iyo xafiisyada kala duwan ee Galmudug waxaa qeybta ugu weyn helay wasaaradda amniga ee Axmed Maclin Fiqi oo la tagtay ($4.9 million) taas oo u dhiganta 18% oo miisaaniyadda oo dhan ah, waxaa ku xiga wasaaradda maaliyadda, Wasiir Farxaan Cali Maxamuud iyo kooxdiisa waxaa ku baxeysa $3.7 million halka xafiiska madaxweyne Qoor-qoor ay ku baxeyso ($3.6 million.
Baarlamaanka Galmudug ee uu hoggaamiyo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa ku bixi doona qarasha dhan $1,851,516,00,wasaaradda waxbarashada ($2.3 million), Wasaaradda caafimaadka ($1.5 million) wasaaradda biyaha iyo tamarta ($794,000), Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska: ($1,104,260.00), Wasaaradda arrimaha gudaha: ($2,076,004.75)
Inta soo hartay wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowlad goboleedka Galmudug waxay miisaaniyadda ama qoondada ku leeyihiin 1%.
W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,