Jubbaland: Diyaar ayaa u Nahay Qabashada Doorashada Aqalka Sare 25-ka Bisha
Sheeko:Arrimaha Amniga
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ayaa sheega inuu diyaar u yahay qabashada doorashada aqalka sare waqtigeeda oo ah 25-ka bishan.
Qoraal kasoo baxay maamulkooda doorashada dadban ee SIET ayaa lagu carabaabay in doorashada ay ku qaban karaan waqtiga loogu talo-galay iyaga oo intaas raaciyey in dhowaan dhisayaan guddiga arrimahan ka shaqeyn lahaa.