Ciidamada Dowladda Oo Holwgalo Ay Ka Fuliyeen Jubbada Hoose Ku Dilay Xubna Ka Tirsan Al-shabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka jubada hoose, waxa ay ku burburiyeen fariisimo ururka al-shabaab ay ku la haayeen gobalka .
Saraakiisha hogaamineysay gowlgalka ayaa sheegay in inta howlgalka ay ku guda jireen ay dileen xubna ka tirsan ururka alshabaab.
Ciidamada ayaa sheegay in xubnaha shabaab ka tirsan ee la dilay ay gaarayaan illaa 15- xubnood kuwaas oo ku sugnaa deeganno hoostaga gobalka Jubbada hoose.
Sikastaba ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab lagaga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka.
Goobjoog News