Uhuru Kenyatta: Ma Dhiibeyno Hal Inji oo Dhulkeenna ah
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalkiisa aanu bixin doonin, oo dal kale siin doonin hal Inji.
Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay in Kenyaay diyaar u tahay iney difaacato midnimadeeda sida ay u difaacday nabadda dalalka kale.
Uhuru ayaa hadalkan ka jeediyey arbacadii booqasho uu ku tagay lama degaanka Boni isaga oo booqdya ciidamo amni oo halkaas tababar uga socday
Goobjoog News