Ciidamada Dowladda Oo Deegaanka Shabeellow ee Gobalka Mudug Kale Wareegay Al-shabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka al-shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug.
Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka .
Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab.
Sikastaba deeganada galmudug ayaa waxaa ka socda dagaallo al-shabaab laga saarayo deeganada ay maamulkaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab.
Goobjoog News