Akhriso: Goorta ay Bilaabaneyso Doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa maanta la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu shaaciyo liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in liiska la filayo aaney ka marnaan doonin inta badan kuwa maamulka uu raali ka yahay halka kuraasta qaar laga yaabo in aan lala tartaminba!
Soo bandhigidda liiska waxaa xigi doona in la siiyo musharaxiinta labo maalin oo olole ah, halka sidoo kale lasoo dhejin doono waqtiga khudbadaha iyo xilliga doorashada.
Jubbaland sida ay u qabato doorashada Aqalka sare waxay fure u noqon doontaa sida ay u dhaceyso doorashooyinka kale.