Ilyaas Gaboose Oo Ka Tirsan Isbadal Doonka 2021 Oo Noqday Senator
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii ugu horeyay ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah :
1: Ilyaas Baddal Gaboose.
2: Maxamed Axmed Sayid
Musharax Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday senatorkii ugu horeyay ee la doortay kadib markii uu ku guulesytay codad dhan 55 , halka Maxamed Axmed Sayid uu helay dhankiisa 17 cod.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubballand ayaa ku dhawaaqay natiijada, Ilyaas gaboose ayaana ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka.