Koonfur Galbeed : Guddiga Doorashada Aqalka Sare Oo Bilaabay Diiwaangelinta Musharixiinta
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur galbeed ka bilaabmaya diiwaan gelinta musharixiinta Aqalka sare.
Guddiga doorashooyinka ayaa kadib shaacinta liiska musharixiinta waxa ay soo saareen Jadwalka qabsoomidda 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ee uu ku leeyahay Aqalka Sare.
Jadwalka ayaa lagu xusay in maanta oo ah 1-da bisha 8-aad ay bilaabanto bixinta shahaadooyinka musharixiinta, xilli beri lagu wado in ay dhacdo doorashada Aqalka sare.
Hoos ka akhriso jadwalka iyo magacyada musharixiinta