Mareykanka oo Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Cikrama Ku Daray Liiska Argigixisada, Saareyna Cunaqabateyn
Sheeko:Arrimaha Amniga

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa jimcihii soo saartay liiska 5 ka tirsan Islaamitiinta Afrika, iyada oo sheegtay iney ku dartay liiska argigixisada, saartay cuna-qabateyn.
Dadkaas waxaa ka mid ah Cali Raage(Dheere) oo ah afhayeenka xarakada Al-shabaab iyo madaxa hawl-gallada ururka Cabdiqaadir Maxamed Cikarama.
Waxaa kale oo ku jira Bonomade Machude Cumar, oo dhaq-dhaaq ku heysta Mozambique, Sidang Hitta iyo Salem Ould al-Hasan, oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin.
Goobjoog News