Rooble Oo La Kulmah Uhuru Kenyata
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Kenya.
Rooble iyo Uhuru Kenyata ayaa kawada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo mudda dheer xayirna.
Kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka Kenya ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaala xeebedka Mombasa.
Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay Uhuru sidii dib loogu furi lahaa ganacsiga labada dal oo muddo u xayirna xiriirka xumaday awgii.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Kenya booqasho ku joogi doona labada maalin ee soo socota.
Goobjoog News