Waa Kuma Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ee Loo Doortay Senator Aqalka Sare Ah
Maxamed Cali Yusuf gaagaab ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee Aqalka sare dowlad gobaleedka Puntland ku guuleystay.
Gaagaab ayaa waxaa u tanaasushay musharax Kowsar cabdullahi Xirsi oo kula tartameysay kursiga.
Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” waxaa uu dhashay 1944 Godob Jiiraan , dhanka waxbarashada hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay Galkacyo, dugsi sare Jamaal Cabdinaasir ee Muqdisho 1965-tii.
1965-tii, Waxaa uu deeq waxbarasho ka helay Jarmalka bari, wuxuuna bartay Sharciga isaga oo haysta shahaadada Shahaadada Master Falsafadda iyo qaanuunka caalamiga ah .
Wuxuu ku shaqeeyay kaaliye professor markii uu soo noqday Somalia isaga oo shaqo ka bilaabay maxkamada Sare, waxaa uu macalin ka ahaa Jaamacadda umadda Soomaaliyeed kuliyadda sharciga .
Wuxuu muddo u xirnaa nidaamkii Siyaad Barre oo uu xabsi ku jiray 7 sano isaga oo sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Journalka Ogaal ee xisbiga hantida wadaaga kacaanka Soomaaliyeed .
1992 wuxuu ka tagay dalka isaga oo tagay dalka Denmark isaga oo 1996 kusoo laabtay dalka kana shaqeeyay howlihii SSDF. Puntland markii la aas-aasay wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen .
Goobjoog News