U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ee Loo Doortay Senator Aqalka Sare Ah

Ogoosto 11, 2021

Maxamed Cali Yusuf gaagaab ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee Aqalka sare dowlad gobaleedka Puntland ku guuleystay.

Gaagaab ayaa waxaa u tanaasushay musharax Kowsar cabdullahi Xirsi oo kula tartameysay kursiga.

Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” waxaa uu dhashay 1944 Godob Jiiraan , dhanka waxbarashada hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay Galkacyo, dugsi sare Jamaal Cabdinaasir ee Muqdisho 1965-tii.

1965-tii, Waxaa uu deeq waxbarasho ka helay Jarmalka bari, wuxuuna bartay Sharciga isaga oo haysta shahaadada Shahaadada Master Falsafadda iyo qaanuunka caalamiga ah .

Wuxuu ku shaqeeyay kaaliye professor markii uu soo noqday Somalia isaga oo shaqo ka bilaabay maxkamada Sare, waxaa uu macalin ka ahaa Jaamacadda umadda Soomaaliyeed kuliyadda sharciga .

Wuxuu muddo u xirnaa nidaamkii Siyaad Barre oo uu xabsi ku jiray 7 sano isaga oo sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Journalka Ogaal ee xisbiga hantida wadaaga kacaanka Soomaaliyeed .

1992 wuxuu ka tagay dalka isaga oo tagay dalka Denmark isaga oo 1996 kusoo laabtay dalka kana shaqeeyay howlihii SSDF. Puntland markii la aas-aasay wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen .

Goobjoog News