Gudoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaliya mudane Cabdullahi Abyan Nuur ayaa hada ku geeriyooday Isbitaal Martini ee Magaalada Muqdisho.
Allaah u naxariisto gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu muddooyinkii la soo dhaafay la xanuun sanaa safmareenka Covid-19.
Hadaba Waa Kuma Cabdullahi Abyan Nuur
Prof. Cabdulaahi Abyan Nuur wuxuu ku dhashay Degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose 1955.
- waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay iskuulka sheekh suufi 1980.
- . Jaamacada ummada ayuu ka baxay 1988
- 1976 ilaa 1988 Wuxuu kasoo shaqeeyay tifaftiraha Joornaalkii Xidigta Oktoobar
- 1988 ilaa 1990 macalin luuqada Carabiga dugsi sare ee Qunsuliyada Yemen ee Muqdisho
- 1988 illaa 1990 tifaftiraha Raadiyaha iyo Tvga qaranka qeybta Carabiga
- 1991 illaa 1992 shaqo khaas ah
- 1992 -1994 macalin luuqada Carabiga iyo Xisaabaadka Iskuulka Abuu xaniifa (ex Waaberi Cusub)
- 1994-2008 maamulaha Iskuulka Wadajir ee magaalada Muqdisho.
- 2009-2012 xubin baarlamaanka Xukuumadii kumeelgaarka ahayd.
- 010-2011 wasiirka cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta
- 2012-2016 xubin baarlamaanka jamhuuriyada federalka Soomaaliya
- 2012 wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta, Dastuurka, federalka iyo Dib-uheshiisiinta
- 2014 xubin guddi hoosaadka baarlamaanka ee cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta isagoo ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga.
- 2020 xubin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ahaana Guddoomiyihii Guddiga.