Doorashada Aqalka Sare Koonfur Galbeed Oo Maanta Ka Dhaceyso Baydhabo
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ku leeyahay Maamulkaas.
Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay in ay maanta qabsoomeyso seddax kursi oo ka dhineyd kuraasta Aqalka sare.
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Habeen ka hor magacabay xubnaha Musharixiinta Aqalka sare.
Goobjoog News