FAO oo Cagaf-cagafyo, Gawaari iyo Mootooyin Siiyey Beeraleyda Soomaaliyeed
Sheeko:Arrimaha Amniga
Hey’adda cuntada adduunka FAO ayaa waxaa ay Cagaf-cagafyo, Gawaari iyo Mootooyin Siiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, taasi oo lagu hormarinayo wax soo saarka beeraha iyo daad-gureynta dalagyada.
Musharuucan oo uu maalgeliyey midowga Yurub ayaa la sheegayaa in wax looga qaban doono dhul beereedka aadka u weyn balse wax soosaarka yare e Soomaaliya.
4 Track, 12 Mooto iyo lix Cagaf-cagaf ayaa loogu talo-galay in beeraldeyga ay u isticmaalaan safar iyo agab ahaan intaba, si ay ugu qabsadaan hawlaha lagama maarmaanka ah.
Mashaariicda midowga Yurub ayaa waxaa ay xoogga saaraan awoodsiinta beeraleyda, tababarkooda iyo arrimo kale.
Goobjoog News