Al-shabaab Oo Ciidamada Dowladda Kala Wareegay Deegaanno Hoostaga Gobalka Mudug
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka naga soo gaarayo deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn oo hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay goorshaw la wareegeen Ururka Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen labada deegaan kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Dowladda.
Deegaanka Camaara ayaa labadi maalin ee la soo dhaafay waxa ay dagaallo ku dhax marayeen Ururka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda.
Kooxda Shabaab ayaa horay u sheegatay in ay gaadiid dagaal iyo Sanaad ciidan dagaalki shalay ka qabsadeen ciidamada.
Goobjoog News