Muxuu Salka Ku Hayaa Amarka Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegay Isbitaalada Yardameeli iyo Jazeera ?
07- 8 August 2021 waxa soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Ra’iisulwasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble iyo Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isugu jawaabay warqado ka soo kala baxay xafiisyadooda.
Khilaafkan oo markii hore salka ku hayay maareynta arrimaha dibada iyo doorashooyinka ayaa hadda u gudbay howlmaalmeedka wasaaradaha iyo maamulka Gobolka Banaadir.
29-kii August Waxaa soo shaac baxday Warqad taariikhdeedu ahayd 27-06-2021 oo Wasiirka warfaafinta uu ku ogolaaday in shirkad gaar loo leeyahay maqaaxi ay ka dhisato dhul bannaan oo ku yaalla Tiyaatarka Qaranka.
28-kii August wasiirka waxbarashada ayaa dib ugula noqday maamulka iskuul horey Gobolka Banaadir loogu wareejiyay.
31-kii August Wasiirka waxbarashada ayaa shaaciyay in maamulka Gobolka Banaadir laga wareejiyay warqadaha bedelashada ardayda , wasaaraduna ay ku bixin doono si lacag la’aan ah.
Hanti-dhawrka qaranka oo ka falcelinayay cabashada ka soo yeertay dhulka Tiyaatarka ayaa 01- Semptember joojiyay in aan la kirayn Karin ama la iibin Karin Hanti-Qaran.
01-September maamulka Gobolka Banaadir oo ka falcelinayay go’aanka Wasaaradda waxbarashada ayaa amray in lagu soo wareejiyo maamulka laba isbitaal oo la tuhunsan yahay in xiriir la leeyihiin Wasiirka waxbarashada .
Culeyska ku yimid bixinta adeegyada Bulshada ayaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble kuwaas oo ay la kala safteen maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiisyada Wasiiradaha.
Goobjoog News