U bood dhigaalka

Rooble Oo Kulama La Qaatay Hogaanka Ciidamada Iyo Garsoorka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ahaa kulama kala gedisan la qaatay Hogaanka qeybaha kala duwan ciidamada dalka iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka sida.

Rooble ayaa kulanka hore fiidnimadii caawa la qaatay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo
Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Halka kulanka kale uu Rooble Caawa la qaatay dhamaan Taliyayaasha ciidamada Qaranka.

Rooble ayaa kala hadlay dhamaan saraakiisha xaaladda Amni ee dalka iyo sugidda Amniga caadimadda.

Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen Kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sidoo kale la sheegay in Taliyaba cusub NISA iyo Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida kale hadle sidii cadaalad loogu heli laha Qosyka Ikraan Tahliil Faarax.