U bood dhigaalka

Faah-faahinno Ka Soo Baxayo Dagaal Laba Maleeyshiyo Beeleed Ku Dhex Maray G.Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal laba maleeyshiyo beeleed oo wada daga gobalka Hiiraan ku dhex maray deegaanka Kabxanleey oo dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul deegaanka ku yaallo oo ay labada beelood oo wada deegaanka ay isku heystaan.

Labada dhinac ayaa illa iyo hadda inta la xaqiijiiyay waxaa dagaalka uga kala dhintay illa iyo 6- qofood, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay.

Dagaalka labada beelood ayaa la sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay uu deegaanka ku soo noqnoqday.

Xaaladda deegaanka ayaa la soo warinaya in ay saaka tahay mid aad u kacsan dadka deegaanka Kabxanleey ayaana ka cabsi qabo in markale saacadaha soo socda ee maanta dagaalka uu dib u bilawdo,  maadama ay labada maleeyshiyo weli ay isku horfadhiyaan deegaanka.

Sikastaba maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle ayaan weli kala dhax galin dagaalka labada meleyshiyo beeleed.