U bood dhigaalka

Maxaa Keenay in Soomaalida Soo Dhoweyso Ceyrinta Fahad Yaasiin?

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo labada ugu da’da weyn 5-ta dowlad goboleed ee jirta ayaa soo dhoweeyey ceyrinta madaxii hore ee basaasiinta Fahad Yaasiin, iyaga oo ra’isul wasaare Maxamed Rooble ku ammaanay tallaabada uu xuquuq ugu raadinayo Ikraan Tahliil oo ku maqan NISA.
In Fahad Yaasiin laga xirto albaabada waxaa kale oo soo dhoweeyey midowga musharaxiinta, odeyaasha beelaha Hawiye iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Kiiska Ikraan Tahliil ma aheyn keliya kuwa uu ku lug lahaa Fahad Yaasiin, ee waxaa lagu hayaa arrimo badan oo ka mid ahaa inuu hey’adda ka dhigay garab siyaasi ah, loona isticmaalo caburinta siyaasiyiinta iyo shacabka.
Fahad Yaasiin, oo dadka u yaqanaan “Milkiilaha dowladda”, waxaa uu sanadihii tagay ahaa mid dalka Soomaaliya geliyey qalalaaso dibadda iyo mid guadaha ah.
Waxaa ahaa Fahad shakhsiga injineer ka ahaa in Soomaaliya dhex gasho khilaafkii dalalka Khaliijka kadib markii June 6, 2017-kii ay Qatar la jirsatay, xilli Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar xiriirka u jareen jaziiradda Qatar iyo ka badabna ahaa, waxaa hubaal ah inuu ku lug lahaa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Xiriirka Xumaaday ee Imaaraadka.
Fahad Yaasiin, mar haddii uu agaasimaha Villa Somalia, midka NISA Imaaraadka, dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska uu Fahad ka tirsanaa ee Villa Somalia, waxaa ay si cad uga hortimid saladhigga Militari ee Imaaraadka ee Berbera, Shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay la gashay Somaliland iyo Puntland ee ay kula wareegtay maamulka Dekadaha Berbera iyo Boosaaso.
Muranka Badda: Qatar iney dhex gasho arrimaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala dab-qaaddo Farmaajo iyo Uhuru, waa arrin kale oo la xiriirin karayo Fahad Yaasiin, waxaa su’aalo laga keeni karaa damaca dalkan yar ka leeyahay geeska Afrika, Qatar si ay isugu ballaariso bariga Afrika, shirka Qatar Petroleum ayaa bartamihii 2019-kii sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13.
75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.
Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.
Caruurta Eretria loo Qaaday: Fahad Yaasiin waa ninka gacanta ku hayey kiiska caruurta loo qaaday Eretria, Goobjoog News oo aheyd warbaahintii ugu horreysay ee waalidiinta ay cabashadooda la wadaagaan waxaa ay si xog-ogaalnimo ah u xaqiijin kartaa inuu helay xiriirka waalidiinta, marar bandanna codsaday inuu si hoose isagu wax u xaliyo, laakiin uu ku guuldareystay.
Goobjoog News