Rooble Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha dowladgobaleedyada Galmudug iyo Koonfur galbed ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah waxa ay la qaateen madaxweynayaasha dowlad-gobaleedyada Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland.
Kulanka ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay xaaladiii u danbeeyay ee dalka, si gaar ah arrimaha doorashooyinka..
Madaxweynaha dowladgoboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuuseen oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay sida maamulkiisa ugu diyaargaroobay doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee dawladgoboleedka Hirshabeelle.