U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta:- Farmaajo Waa In Loo Aqoonsada Qaswade!

Golaha Midawga Mudharixiinta ayaa soo saaray war qoraal ah ay kaga jawaabayaan wareegtadii 16 septemper kasi baxday Villa Somalia taa oo lagu sheegay in lagu dhimay Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha.

 

Midawga Musharixiinta waxa ay gaashaanka udaruureen, awood dhimista Rooble iyagoo ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday in ku tumanayo shruucda Dalka uyaalla si uu U xagal-daaciyo cadaalad kiiska ikraan Tahliil.

 

Ugu dambeyn Golaha aya si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha.