U bood dhigaalka

Shirka Dowlad Gobaleedyada Oo Baaqday, Akhriso Sababta

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu baaqday shirka wadatashiga dowladyada dalka oo maalinta beri ah lagu waday in Garowe uu ka furmo.

Shirkan oo ay ku kulmi lahaayeen madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa la sheegay in uu baaqday kadib codsi ka yimid mid ka mid ah madaxweynayaasha oo dalbaday in dib loo dhigo shirka Garowe.

Madaxweynayaasha oo kulan dhanka qadka ah yeeshay todobaadki hore ayaa ku balamay in shir ay isugu yimaadaan Garowe kaas oo socon doona 21-ka bisha illa 23-ka bisha.

Shirkan ayaa looga arinsan rabay xaaladda khilaafka madaxwyenaha waqtigiisa dhanaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil.

Madaxweynaha Galmudug Qoorq-Qoor ayaa la sheegay sidoo kale in uu dalbaday in shirka la balaariyo uuna ka soo qeyb galo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan baaqday ayaan la shaacin xilliga uu dib u furmi doono iyo goobta lagu qabanayo markale.

Goobjoog News