Aqalka sare Somaliland: Xaashi oo Kursi Loo Xiray, Dubbe, Iidle iyo Samatar oo Markii ugu Horeysay Kusoo Baxay
Waxaa goordhow lasoo saaray liiska aqalka saree e Somaliland iyada oo lagu soo daray dad cusub, waxaana ka muuqato in liiskan uu ka tarjumayo heshiiska guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, mana ku jiraan wax muran dhalin kara.
liiskan oo ka kooban 11, waxaa guddoomay ra’isul wasaare Maxamed Rooble, waxaa ka muuqata in haweenka loo xiray labo kursi, halka labo kursi kale ay rag kula tartami doonaan.
Dadka cusub, waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleysan iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Kusriga 1-aad waxaa loo xiray guddoomiyaha aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi, ma jirto cid kula tartameyso.
Kusriga 2aad waxaa ku tartamaa Axmed Ibraahim Maxamed Qorane iyo Baashe Maxamed Ismaaciil
Kursiga 3-aad waxaa ku tartami doona Leylo Axmed Ismaaciil iyo Maxamed Maxamuud Cabdi
Kursiga 4-aad waxaa ku tartamaya Deeqo Xasan Xuseen iyo Hodan Obokor Xasan
Kursiga 5-aad waxaa ku tartami doona Maxamed Maxamuud Allabari , Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali
Kursiga 6-aad waxaa ku tartami doona Bilaal Idriis Cabdullahi iyo Zeynab Axmed Boqorre
Kursiga 7-aad waxaa ku loolami doona Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahim Iidle Suleysan
Kursiga 8-aad waxaa ku tarmai doona Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullahi Maxamed
Kursiga 9-aad waxaa ku tartami doona Cabdirisaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid
Kursiga 10-aad waxaa ku loolami doona Cusmaan Abokor Dubbe iyo Cabdikarim Maxamed Xasan
Kursiga 11-aad waxaa ku tartami doona Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud(Gadhweyne) iyo Sucaad Xasan Maxamed
Goobjoog New