Fahad Yaasiin Oo Kamid Ah Dadka Lagu Tuhunsan yahay Kiiska Ikraan Tahliil oo Muqdisho soo gaaray

Taliyihii Haya’adda sugida Qaranka ee shaqada laga eryay Fahad Yaasiin ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Fahad Yaasiin oo loo haysto Kiiska Ikraan Tahliil ayaa kol hore lagu xanibay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti dibna loogu celiyay Dalka Turkiga.
Mr Yaasiin ayaa la sheegay in Garoonka Muqdisho ay ka soo dejisay diyaarad gaar ah oo uu ka soo qaatay dalka Turkiga halkaas oo uu maalmahanba uu ku sugnaa.
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday sabab la xiriirta dhinacyadii ka qayb gali lahaa oo jawaab siin Villa Soomaaliya iyo Maqnaanshaha Fahad Yasiin .
Fahad Yaasiin oo shaqada laga eryay ayaa Shirka ka jeedin lahaa Warbixin la xiriirta maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo ka tirsan Hay’adda NISA oo ku maqan isla Hay’ada.
Goobjoog News