U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Faray In Si Deg-Deg Ah Loo Xaliyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ugu baaqay in si deg deg ah loo xaliyo khilaafka ka dhex taagan hogaanka Villa Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Blinken ayaa lagu sheegay in cawaaqib xumo aan la mahdin ay horseedi karto khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ugu baaqay labada mas’uul in ay si nabad ah u soo afjaraan ismari waagooda mudada dheer taagan.

“Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. 

Mareykanka ayaa sidoo kale labada dhinac ugu baaqay in ay ka fogaadan xaald waliba oo xasarad Abuuri karta.

“Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken. 

Goobjoog News