U bood dhigaalka

TPLF Oo Soo Bandhigtay Fadeexad Ka Dhan Ah Itoobiya, Kadib Adeegsiga Sawirada Ciidamada Uzbekistan

Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa beeniyay sawiro iyo warar ay baahisay dowladda Itoobiya kuwaas oo lagu sheegay in ay Ciidamada Dowladda ay weerareen deegaanada Debark iyo Dabat oo ay ku sugan yihiin xoogagga difaaca Tigrayga.

Sawiraan oo muujinaya diyaaradaha dagaalka oo weerar Hawada sare ah ku jira ayaa la sheegay in ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Jabhadda.

War ka soo baxay maamulka Amxaarada ayaa lagu sheegay in ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen Jabhadda koxodooda ku sugan Debark iyo Dabat.

“Ciidankeenna Cirka ee geesiyaasha ah ayaa  si lama filaan ah u weeraray ciidanka  cadowga, waxaana ciidamada deenna cirka la socday 50 gawaadirada dagaalka ah kuwaas oo guul taariikhi ah ka soo hooyay ciidamada Junta, kuwaas oo ay ka qabsadeen  Debark iyo Dabat. Taariikh ahaan, junta waligeed lama kulmin khasaare intaas le’eg, ”ayaa lagu yiri qoraalka Amxaarrada.

TPLF ayaa dhankeeda sheegtay in Sawirada ay adeegsadeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Amxaarada in ay yihiin kuwa ay kala soo degeen Google, sawirka hore ayaa la sheegay in baaritaano ay sameeyen kadib ay heleen in uu yahay sawir ay horay u adeegsatay BBC-da maqaal ay ka qortay dagaalka Itoobiya Nofembar 2020, halka sawirka dambe lagu sheegay in uu yahay mid ciidamada cirka Uzbekistan ay 18 -kii Janaayo 2020, ay ku soo bandhigayeen quwadooda cirka.

Itoobiya ayaa markaan faraha la gashay fadeexad dhanka warbaahinta ah kadib adeegsiga sawirada marin habaabinta ah iyo xogaha ay guullaha ku sheeganayaan.

Abiy iyo xulafadiisa ayaa sanad dagaal kula jiro kadib markii ay Xisbiga gobalka Tigrayga ee TPLF ay ka diideen muddo kordhin uu rabay.

Ra’iisul wasaarahan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa fadeexado dhowr ah wajahaya kadib guushiisi biladda Nabadda, dhawaan ayeey aheyd markii Abiy Axmed laga helay cod oo kuu sheeganayo in uusan talada banaaneynin 10 sano oo soo socota xilli uu la hadlayay xisbigiisa.

Goobjoog News