U bood dhigaalka

Gabadhii Ugu Horeysay Soomaali Ah Oo U Tartameysa Ka Mid Noqoshada Baarlamaanka Jarmalka

Doorashada Saaka ka socota dalka Jarmalka ayaa waxaa Musharixiinta tartamaya ka mid ah Nuha Sharif Ali, oo ah gabar Soomaali ah.

Nuha ayaa ka sharaxan gobalka Hessen iyadoo u sharaxan xisbiga Die Linke oo ka mid ah xisbiyada ugu waweyn ee dalka Jarmalka.

Gabadhaan Soomaali Jarmalka ah ayaa ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda dadka  madowga ah iyo kuwa Islaamka.

Nuha Sharif Ali, ayaa sidoo kale ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo u tartanta baarlamaanka dalka Jarmalka.

Goobjoog News