Saalax Axmed Jaamac Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw la soo gaba gabeeyay doorashada kursiga labaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Ibraahim Iidle Suleyman iyo Saalax Axmed Jaamac.
Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saalax Axmed Jaamac oo helay 29 cod , halka uu Ibraahim Iidle Suleyman uu helay 12 cod.
Waxaa sidaas kursiga labaad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Saalax Axmed Jaamac .