India Oo Bixineysa Magdhawga Dadkii U Dhintay Corona Virus
Maxkamadda sare ee dalka India ayaa taagertay go’aanka dowladda dalkaasi ay magdhaw ku siineyso dadkii eheladooda ay u dhinteen safmareenka Covid-19.
Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu daba jooga codsi ay qareenada dalkaasi u gudbisteen bartamihii July ee sanadkaan taas oo ay ku codsadeen in magdhaw la siiyo ehelada dadki u dhintay Corona Virus.
Magdhawga la siinayo ayaa gaaraya illa iyo $-674 oo u dhigenteen 40,000, oo ah lacagta dalkaasi laga isticmaalo ee loo yaqaano Rupi.
Garsoore Shah ayaa sheegay todobaadkaan in lacagtaas ay ku helayaan dadka eheladoodu ay Corona u dhinteen muddo bil gudaheed ah.
Dalka Hindiya ayaa diiwaan geliyay illa iyo hadda in 447,000 ay u dhinteen xanuunka, xilli warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in tirada saxda ah ay ka badan tahay inta dowladda ay sheegatay.
Hindiya Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ay xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow.
Goobjoog News