Midawga Musharixiinta Oo War Ka Soo Saaray Dib U Dhaca Doorashada
Sheeko:Arrimaha Amniga
Golaha midawga musharixiinta ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada golayaasha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.
Midawga ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin in tiro seddax jeer ah uu dib u dhaco jadwalka doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo saamileydaba lala socod siiyo sababaha dib u dhaca keenay.
Musharixiinta ayaa sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca doorashada ay qaadayaan Golaha wadatashiga qaranka.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta.