U bood dhigaalka

Amiir Shabaab Oo Waran Lagu Dilay

Wararka ka imaanaya deegaanka xawaadley, oo hoostaga gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in deegaanka oo ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab uu qofka mid ah dadka shacabka ah dil u geeystay mid ka mid ah Amiirada kooxda.

Qofka ayaa la sheegay in uu ka carooday go’aanada ururka Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen ciidamada dowladda.

Amiirka la dilay ayaa la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday Waran kaas oo uu watay ninka dilay Amiirka Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in Amiirka la dilay uu ahaa mid Al-shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowladda ma aysan shaacin Amiirka la dilay magaciisa iyo shaqsigi dilay intaba balse waxa ay cadeeyeen in ninka uu ka mid ahaa dadka deegaanka.