Qoor-Qoor: Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridiis
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ururka ahlu-sunna maamulkiisa kula jiro ee maalinti afaraad ka taagan magaaalada guriceel ee gobalka galgaduud.
Qoor-Qoor ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeyay dadkii ku dhintay dagaalka ka socda guriceel oo uu sheegay in ay Ahlu-sunna dadka ay duullaan ku soo qaadday.
“Waxaa shacab weynaha Galmudug uga tacsiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacabka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabsadeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.
“Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mowqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwaadin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo laga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.
Qoor-Qoor ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka reer galmudug in ay caawiyaan walaalahood dagaalka ka barakacay.
“Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmudug dal iyo dibedba halka ay joogan inay caawiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo gaartay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bini-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.”
Goobjoog News