Rooble Oo Muddo Kadib Xarunta Taliska NISA Booqday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.
Rooble ayaa socdaalkan waxaa ku wehlinayay wasiirka Amniga xukuumadda Cabdullahi Maxamed Nuur.
Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa xarunta taliska ku soo dhaweyay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasin Fareey.