Cabdi Qaybdiid Oo Loo Doortay Markale In Uu Ka Mid Noqday Senatorada Aqalka Sare
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw la soo gabagabeya doorashada kursiga todobaad ee dowlad gobaleedka Galmudug uu ku leeyahay Aqalka sare.
Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) iyo Cawil Nuur Cali.
Musharax Cawil Nuur Cali ayaa ka tanaasulay musharaxnimadiisa, waxana sidaas kursiga ku soo baxay Cabdi Xasan Cawaale.
Guddoomiyaha baalarmaaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada Kursigan oo uu ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid).
Goobjoog News