Diyaar-garowga Doorashada Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabatay Maamul Goboleedyada
Waxaa deeganada dowlad gobaleedyada dalka ee ay sanadkaan ka dhaceyso doorashada golaha shacabka laga dareemayaa diyaar garowgii ugu xooggana ee doorashada Golaha shacabka.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay deeganada ay doorashada ka dhaceyso u dirayay agabka iyo qalabyada doorashada lagu qabanayo oo ay ka mid yihiin Sanaadiiqda codbixinta doorashada.
Sida ay horay u shaaciyeen guddiga amniga doorashooyinka dalka, waxaa lagu qabanaya doorashada golaha shacabka maamul walba laba goob.
Goobaha doorashada ay ka dhaceyso ayaa kala ah:-
Banaadir
1: Teendhada Afisyooni
2:Kuliyadda Booliiska Gen Kaahiye
Puntland
Garowe: Xarunta Jaamacadda Puntland PSU
Boosaaso: Jaamacadda Bariga Afrika.
Galmudug
Dhuusamareeb: Xarunta Inji
Gaalkacayo: Xarunta Axmed Village
Hirshabeelle
Jowhar: Xaruntii hore ee UNICEF (Jowhar)
Baladweyne: Xarunta maamulka G.Hiiraan
Koonfur Galbeed
Baydhabo: Xarunta baarlamaanka
Baraawe: Xarunta Madaxtooyada
Jubbaland
Kismaayo : Hoolka Daawad
Garbahaarrey: Hoolka Inji.
Dhinaca kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dhamaan goobahaan oo ay ka dhacayaan doorashada aqalka shacabka ay ammaankooda sugan yihiin.
16-ka bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota ayaa si rasmi ah loo bilaabi doona doorashada, iyadoo lagu wado in maamulada dalka oo dhan ay guda galaan doorashada golaha shacabka.
Deeganada doorashada ay ka dhaceyso ayaa durba laga dareemaya olalaha doorashada, iyadoo musharixiinta golaha shacabka ay durba bilaabeen in waddooyinka deeganada kuraasta ay u taallo ay ku dhagsadaan boorar ay ku shaacinayaan musharaxnimadooda.
24-Ka bisha soo socota ayaa la qorsheynaya in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka.
Goobjoog News