Aamina Cumar Jaamac Oo Markale Loo Doortay In Ay Ka Mid Noqoto Xildhibaanada Golaha Shacabka
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi afaraad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga labaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.
Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#202 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac iyo Aamina Cismaan Diiriye.
Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Aamina Cismaan Diiriye, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac oo heshay 101 cod.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#202 oo uu ku guuleysatay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac.
Goobjoog News