Faadumo Xasan Cali Oo Markale Loo Doortay In Ay Ka Mid Noqoto Xildhibaanada Golaha Shacabka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi shanaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga seddaxaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.
Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#210 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo
Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Hoodo, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali .
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#210 oo ay ku guuleysatay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali.
Goobjoog News