Waa Kuma Maxamed Xayir Maareeye Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi saddexaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga koowaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.
Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#225 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdiraxmaan Warsame Siciid.
Maxamed Cabi Xayir Mareeye oo ku guuleystay kurasiga ayaa helay codad gaaraya 96 , oo ah codadka ergada halka Musharax Cabdiraxmaan Warsame Siciid uu helay 3 cod.
Hadaba Waa Kuma Maxamed Cabi Xayir Mareeye
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta loo magacaabey wasiirka warfaafinta, Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade.
Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.
2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid .
December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.