Seddax Kursi Oo Saaka Lagu Dooranayo Kismaayo, Yaa U Tartamaya?
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland saaka lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.
Kuraasta saaka la dooranayo ayaa kala ah HOP#118, HOP#126 & HOP#127, kuwaas oo hadda qaban qaabadii ugu dambeyay ay ka socoto hoolka doorashada.
Tan iyo xalay waxaa socday kulama ay musharixiinta kuraastaan la yeelanayaan ergada soo dooraneysa xildhibaanada, kuwaas oo ka codsanaya mid waliba in uu codkooda siiyo.
Kuraastaan ayaa waxaa Jubbaland afartii sano ee la soo dhaafay baarlamaankii 10-aad xildhibaanada kala ah :-
1: HOP#118 : Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla.
2: HOP#126: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganeey).
3: HOP#127: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Cismaan Xirsi.
Yaa U tartamaya hadda?
Seddaxda kursi ee saaka la dooranayo waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah:-
1: HOP#118: Waxaa maanta u tartamaya musharax Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar.
2: HOP#126: Waxaa maanta u tartamaya Musharax Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.
3: HOP#127: Waxaa maanta u tartamaya Musharax Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.
Sawirada Hoolka Doorashada
Goobjoog News