U bood dhigaalka

6 Kursi Oo Saaka Lagu Dooranayo Muqdisho, Yaa Hadda Ku Fadhiyo?

Waxaa maanta oo Talaada ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#270, HOP#271, HOP#269, HOP#268, HOP#267, & HOP#236.

Waxaa horay gobalada waqooyi ugu matalayay kuraastaan xildhibaanada kala ah:-

HOP#270: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Sakariye Xuseen Caarre

HOP#271: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Cabdiraxmaan Maxmuud Caateeye

HOP#269: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan    Maxamed Cabdullaahi Kaamil

HOP#268: oo uu ku fadhiyay Maxamed Cali Xagaa

HOP#267: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  aynab Maxamed Caamir

HOP#236: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqor)

Goobjoog News