Madoobe oo Ka Warbixiyey Dadaallada La Xiriira Abaaraha
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirrada, kaas oo qabsoomay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyey kulan shalay Kismaayo ka dhacay oo Axmed Madoobe la qaatay safiirka dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster , xaaladda amni iyo abaaraha ka jira deegaannada maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowlad goboleedku wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynuhu in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka ay u baahan yihiin dadka.
Goobjoog News