Lafta-gareen oo sii Daayey Wasiir u Xirnaa Saacado
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu xiray wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Cabullahi Maxamed, walow markii dambe la siidaayey wasiirka.
Cabdirashiid ayaa waxaa la sheegay in xili uu ku sugnaa hotel uu ka deganaa magaalada ay kala baxeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed ee hoostaga madaxweyne Lafta gareen waxaana la ogeyn sababta xarigiisa ka damabaysay.
Cabdirashiid wasiirkii ee Gaashaandhigga XFS ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa siyaasiyiinta dhaliilsanaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo madaxweynaha waqtiggiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Goobjoog News