Imaaraadka Oo Gargaarkii Saddexaad Keenay Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dowladda Imaaraad Carabta ayaa maanta markale waxaa ay garonka Aadan Cadde kasoo dejisay gargaar Banii,adamnimo, waxaana garoonka diyaaradaha kula wareegtay wasiirka gargaar iyo maareynta musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye.
Garkaarkaan ayaa waxaa dowladda Imaaraadku ugu talogashay dadka ay abaartu ku saamaysay gudaha dalka,waxaana ku deeqay gargaarkaan Dhaxalsuga Imaaradka Maxamed Binu Sayid, kadib kulankii Dubai ee isaga iyo Ra’iisalwasaare Rooble.
“Waxaa Garoonka Aadan Cadde kula wareegnay Sahaydii Gargaar ee seddexaad oo nooga timid Dowladda Imaraatka Carabta taas oo loogu talagalay dadka ay saameysay Abaarta”ayey wasiir khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka.
Gargaarkaan dowladda Imaaraadka ka yimid maanta ayaa waxaa uu noqonayaa midkii sedexaad, iyadoo noqotay dowladdii ugu horeysay ee kasoo jawaabtay baaqii Ra’iisalwasaare Rooble uu u diray hey’adaha gargaarka, xili dalka Abaari ka jirto .