U bood dhigaalka

Jubbaland: Jadwalka Doorashada Saddex Kursi Oo La Shaaciyay

Febraayo 16, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay habraaca iyo jadwalka doorashada saddex kursi oo lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa kala HOP#023, HOP#132 iyo HOP#092 , waxaana mid kamid ah uu u xiran yahay haweenka.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer Jubbaland xildhibaanada kala ah Cali Maxamed Muuse oo ku fadhiyay kursiga HOP#023, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo ku fadhiyay kursiga HOP#092  iyo xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen Buulle oo ku fadhiyay kursiga HOP#132.

Kuraastaan ayaa la dooranaya maalinta Jimcada ah ee soo socota waxaana ay noqon doontaa doorashadii ugu horeysa ee sanadkaan la qabto maalin Jimca ah.