U bood dhigaalka

Ciidammo Ka Tirsan AMISOM oo Soo Gaaray Muqdisho

Ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa dowladda Uganda ee qeybta ka ah Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la sheegay in ay yihiin ciidammo Booliis ah, xili lagu jiro doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliiska ah ee Soogaaray Muqdisho, ay ka qeyb qaadan doonaan hormarinta iyo dowladwanaagga, iyaga oo qeyb ka qaadanaya shaqada Booliiska iyo sare u qaadista sharciga guud.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ah  ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah” ayuu yiri taliye Daniel Okello

Ciidammada cusub oo oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho ayaa imaatinkooda caasimadda  waxaana ay kusoo aadaysaa iyadoo dhowaan ay Muqdisho ka dhacayso doorashada guddoona labada aqal iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xigi doonta.

Goobjoog News