U bood dhigaalka

MAXAA HORTAAGAN HORUMARKA K/CAGTA SOOMAALIYEED?

Sheeko:War

Sida laga warqabo, waxaa mudooyinkan danbe jiray khilaaf mudo soo jiitamaayey oo kadhex-aloosnaa maamulka sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Khilaafkan ayaa saameyn xoogan ku yaashay dhamaan howlihii caadiga ahaa ee xiriirka sida tartamadii k/cagta gudaha iyo kuwii xulka Qaranka ayadoo sida muuqatay ay madaxdii ugu sareysay xariirka is-dhaaf-sanayeen kalmado, qoraalo magacaabis xilal ah iyo qabashada shirar iskasoo horjeeda oo la gaarsiiyay inta badan xiriirada k/cagta ee Afrika, J/Carabta iyo kan aduunka ee FIFA.

Natiijada khilaafka ayaa ugu danbeyn sababtay inuu 16-ka bishaan is-casilo gudoomiyihii Xiriirka K/cagta CabdiQani Siciid Carab oo mudo 7 sanno hayey xilkan taasoo ay ugu danbeyn aqbaleen Xiriirka FIFA, ayadoo xilka gudoomiyahana si kumeel-gaar ah loogu aqoonsatay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horey u ahaa G/kuxigeenka Xiriirka.

Laakiin siday rumeysan yihiin bahda k/cagta, waxaa loo baahan yahay isbadal baaxad leh oo xal loogu hela dhibaatooyinka dib u dhigay k/cagta Soomaaliyeed.

Caqabadaha hortaagan K/cagta

1. Qaab-dhismeed xubnaha Xiriirka: dagaaladii qabaa’ilka ee aafeeyay dalka Soomaaliya waxuu saameyn xun ku-yeeshay hay’ad kasta oo maamul ah. Kadib dagaaladii 1991-kii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxay rug cadaayadii k/cagta suuragaliyeen in dib loo yag-leelo ciyaarihii k/cagta ee caasimadda sida tartamada horyaalka soomaaliya iyo koobka jeneraal Da’ud, taasoo aheyd talaabo dhaxal-gal ah oo qeyb ka noqotay nabadda iyo is-dhexgalka bulshada kunool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Muqdisho oo xiligaas u qeybsaneyd koonfur iyo waqooyi ayaa qasab ka dhigtay in qaab dhismeed xiriirka la waafajiyo awood qeybsiga labadii awoodeed ee kala deganaa koonfurta iyo waqooyiga. Ilaa maanta oo dalku dowlad federaal ah yeeshay wali maamulka k/cagta ugu sareeya waxuu ku jaan go’an yahay xeer jajabkii awood qeybsiga qabaa’ilka ee koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho. Hadaba, hadii hormar laga rabo k/cagta Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in doorashada soo socota dib u eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka xiriirka ayadoo lagu xeerinaayo aqoonta , waxqabadka iyo waaya-aragnimada shaqsiga u leeyahay k/cagta.

2. Milkiyadda kooxaha k/cagta: maamulka xiriirka k/cagta Soomaaliyeed waxay hirgaliyeen kooxo farabadan oo ka ciyaara saddex heer kuwaasoo ku ciyaara magacyo kala duwan sida Wasaaraddo, shirkado, hotelo iyo kuwo madax banaan. Maamulka kooxahan sida uu qabo sharciga k/cagta Soomaaliyeed waxay saameyn ku leeyihiin codeynta, wax ka badalka xeerarka iyo sharuucda k/cagta dalka. Hadaba, meesha saxida u baahan ayaa ah cadeynta milkiyada iyo madax banaanida kooxaha k/cagta Soomaaliyeed oo siday dad badan aaminsan yihiin milkiyada kooxaha aysan ka faramarneyn maamulka sare ee xiriirka k/cagta Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, horumar k/cagta ah lama gaari karo inta uu jiro isku-milanka milkiyada kooxaha iyo maamulka xiriirka.

3. Fahan yarrida bulshada ee k/cagta: bulshada Soomaaliyeed waa bulsho aad u jecel daawashadda iyo taageerida k/cagta laakiin siday kala siman yihiin bulsho badan oo Qaaradda Afrika ah, kuma bixiyaan taageeradii dhaqaale ee loo baahnaa taasoo wax-kabadali laheyd nolosha ciyaartooyda iyo macalimiinta dalka.  Bulshadeenu k/cagta waxay ka aaminsan yihiin inay tahay madadaalo loogu talo galay xiliyada nasiinada laakiin caalamka k/cagta waxay ka tahay xirfad lagu kasbado dhaqaale ka badan kuwa dhaqaatiirta iyo injineerada soogala oo ka soo xarooda mushaarka, xayeesiinta iyo xaquuqda TV-yada ee ciyaaraha. Sidaas darteed waa lagama maarmaan in la helo taageero dhaqaale oo ka imaada heer shaqsi, heer shirkadeed, mid wassaaradeed iyo mid TV-yada tabbiya ciyaaraha ah.

4. Ilaalinta xaquuqda ciyaar-yahanada iyo garsoorayaasha: ciyaartoyda iyo garsoorayaasha k/cagta Soomaaliyeed waxay runtii wajahaan daruufo adag oo dhanka nolosha ah oo aysan fahmi karin dadka banaanka ka arka. Waxaa labadoodaba saaran masuuliyad adag oo ay kamid tahay mid tababar, barashada sharuucda, gudashada waajibaadka, mid qoys iyo kuwakale, hadana dhaqaalaha ay ku kasbadaan xirfadooda kuma filna inay daboosho baahidooda. Waxaa mararka qaar ciyaaraha kasoo gaara dhaawacyo iyo xanuuno saameyn ku yeesha hab nololeedka mustaqbalkooda oo aysan bulshadu uga garaabin sidii mudnayd. Hadaba, si loogu caawiyo howlaha ay ciyaartoyda iyo garsoorayaashu hayaan waxaa daruuri ah in Xiriirka k/cagta Soomaaliyeed uu dhiso Ururo difaaca una dooda xaquuqdooda mushaar, caafimaad ama fasax sida Midowga Ciyaaryahanada ‘footballers Union’ iyo Midowga Garsoorayaasha ‘Referee Association’.

5. Abuuridda maxkamadda Ciyaaraha: maadaama ay k/cagtu Soomaaliyeed maamulaan shaqsiyaad kala aqoon iyo waaya aragnimo duwan shaki kuma jiro inuu dhici karo khilaaf iyo is-qabsi heer walba leh hadii uu yahay mid maamul ama mid ka dhasha dhacdo tartan ama ciyaar gaar ah sida midkii ciyaarta kama danbeyska aheyd ee kooxaha Horseed iyo Muqdisho. Waa biyo kama dhibcaan in la abuuro maxkamadda ciyaaraha dalka lana tababaro qareeno iyo garsooreyaal aqoon u leh sharuucda ciyaaraha dalka taasoo gacan ka geysan doonta in xal sharci ah loohelo muranada ka dhasha ciyaaraha k/cagta dalka.

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed

[email protected]