U bood dhigaalka

Washington: Waxaan Hadda Ku Soo Rogeynaa Xanibaadda Dhanka Socdaalka Ah Ee Shaqsiyaadka Wiiqaya Dimoqraadiyad Soomaaliya

Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay ku dhaqaaqeyso fulinta xayiiradda dhanka Viisaha ee shaqsiyaadka ku lugta leh dib u dhaca doorashada iyo dimuquraaddiyadda Soomaaliya.

War ka soo baxay Maraynka ayaa lagu cadeeyay in Washington ay qaadeyso fulinta balanqaadkeedii ahaa in la ciqaabo kuwa carqaladeynaya nabadda Soomaaliya.

“8-dii Febraayo, waxaan ku dhawaaqnay siyaasadda xaddidaadda fiisaha ee hoos timaada Qeybta 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, wax u dhimidda geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu ka xunyahay in ay guuldareystaan dadaaladii iyo balan qaadkii ahaa doorashada in lagu soo gabagabeeyo 25 February.

” Ka dib markii lagu guul daraystay in la qabto xilli kale oo ay iskood isku xilqaameen oo ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka waxa ay wakhtiga ku kordhiyeen 15-ka March. Waxaan hadda ku soo rogaynaa xannibaado fiisaha siyaasaddan oo ka dhan ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah”, ayuu markale yiri maraykanka.

 

Goobjoog News