Booliska Columbus Oo Soo Qabtay Nin Loo Heeysto Dilka Imaam Maxamed Xasan
Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dil loo geestay allaha u naxriiste Imaam Maxamed Xasan oo 25-kii December sanadkii hore meedkiisa laga helay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.
Booliiska Columbus oo mudooyiinkii la soo dhaafay waday baritaano ku aaddan kiiska dilka Maxamed Xasan, ayaa gacanta ku soo dhigay mid kamida eedeeysanayaasha dilka imaamka.
Shugri Imam Maxamed Xassan oo ah gabar uu dhalay imaamka ayaa warbahiinta u sheegtay in booliska ay u xaqiijiyeen qooyska in la soo qabtay qof lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka aabbahood.
“Baritaanada sii fiican ayey u socdaan duco badan iyo baritaano badan ay booliska sameyen qebtii ugu horeysay wa lagu gulestay waan helaya qofkii ka dambeeyay aabbo dilkiisa”, ayey tiri Shugri Imam Maxamed Xassan.
dhinaca kale shugri ayaa sheegtay in xiriir uu ka dhaxeyay ninka loo soo qabtay dilka abbeheed iyo Imaam Maxamed Xasan.
“Sida booliska ay nooshegeen xiriir ayaa ka dhaxeeyay aabbo iyo isaga inkastoo aanan ogeen xiriirkaas inta uu la ekaa iyo intaa uu soo socday kama warheeno intaas, laakiin waxay booliska no cadeeyeen inu uu ka dhaxeeyo xirir ganacsi” ayey tiri markale shugri.
Qoyska imaamka ayaa sido kale sheegay in aanan wali maxkamad wali la soo tagin eedeesanaha loo soo qabtay dilka Imaam Maxamed Xasan.
“Wali maxkamadda looma soo taagin dilka aabbe laakiin booliiska way codsadeen, laakiin danbi kale oo horay uu u galay ayaa socota dacwaddiisa sidaas darteed wali kiiskena ma usan bilaabmanin” ayey tiri Shugri Imam Maxamed Xassan.
Goobjoog News