U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Dooxa Dacar Budhuq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray dhisma lagu sameeyey Biriij-ka Dooxa Degmada Dacar-budhuq, kaas  oo dhismihiisa ay ka taageertay dowladda Imaaraadka Carabta, togaana ayaa tiro dad ah ay ku nafwaayeen xiliyo kala  duwan oo Roobab  badana ay ka da,een magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland.

,Waxaana lagu qabtay goobta lagu daahfuray munaasabad kooban, taas oo madaxweyne Biixi uu ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid tahay abaaraha ka jira deegaannada Somlaailand, W adaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka oo gacanweyn ka gaysatay dhismaha lagu sameeyey toga Hargaysa.

“Waxaynu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoo hirgelisay mashaariic badan oo aynu in badan usoo joognay midha-dhalkeedii ballamihii ay u qaadeen inay ku taageeraan Somaliland oo Dekeda, Airport iyo Waddadani ka mid yihiin oo runtii ah mucaawino walaaleed oo aan deyna ahayn dulsaarna lahayn intooda badani” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa u mahad celiyey marti sharafta kasoo qeybgashay munaasibada iyo dadkii dedaalka badan geliyey sidii uu u hirgeli lahaa mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabku ka caasiway  Somaliland, oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Barbara iyo Garoonka diyaaraha oo heshiis lagula galay in ay dhisayso.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa marti sharafta halkan joogta dhammaantood ee xaflada kasoo qeyb galay , waxaan jecelahay inaan maanta labada nin oo halkan fadhiya aad ugu mahad naqo oo dadkii hawshan iyo tabaabushahan berigii la joogay hawl badan ka geystay ahaa, waana Xildhibaankii hore ee Degmadan Axmed Wayso Cadde iyo maareeyihii hore ee Dekada Berbera inta badan hayey Cali Xoor Xoor”ayuu yiri Muuse Biixi xili uu khubdbad ka jeediyey goobta munaasabadda.

Madaxweyne Biixi  waxa uu xusay in Dooxa Dacar-budhuq uu qaaday dad badan oo ku nafwaayey dooxaasi “Dooxan wixii ka dhici jiray waa la sheegay 50-qof buu isheegay gudoomiyaha Degmadu intuu ogyahay isagu ee dooxaa uu daad ku qaaday, kontonkaa waxaa kamid ahaa Suldaan Barre waxaa kamid ahaa Nuux oo ahaa sarkaal ciidamadii aanu isku wakhtiga ahayn Canada ka yimi fasax ku joogay maanta waa Ilaahay mahadii walaaladii inaga caawiyey inaan biriijkaa dhisno” ayuu yiri.

Ugu dambayn Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay inaan ganacsatada badankoodu aanay ka qeyb qaadan Xaaladaha lasoo gudboonaada Somaliland, hadda ay ka jiraan deegaannada qaar Abaaro walow madaxweynuhu uu  sheegay in deegaannada Somaliland wali Abaartu aysan aheyn sidii la filaayey waxaana ganacsaada uu ugu baaqay in dhaqaalahooda ay ku bixiyaan.

”Waxaa laga yaaba inaan ganacsatadu badankeedu aanay ka qeybgelin dhibaatooyinka dalka ka dhaca afar qof baa lagu eegaa taasina xaq maaha, waxaan hubaa Xoolaha Somaliland hayso hadday isu gurmato in aynaan u baahnayn baryo bani-aadam, waxaan usoo jeedinayaa Ganacsatada, qurba-jooga iyo qofkii wax hayaba in markay dhibaato jirto uu ka qeyb qaato uma baahnin baryo, hadda dawladdu waxay ku dedaashay labadii bilood ee ugu danbaysay 45-Ceel baa la kiciyey kuwii hore ee socday mooyaane, Maanta adduunka waxa ka dhacaya waad ogtihiin, dagaal baa ka dhacay adduunka oo dhan saameeyey dawladihii waa weynaa way kala uruursadeen nin waliba wixiisi wuu xaraystay inay ciidamada isu uruursadeena waad ogtihiin, dhaqaalihii adduun maamuli jiray nin waliba wixiisi wuu ootay nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota”.

Goobjoog News